Attachment | Size |
---|---|
Xuquuqda Kiraystayaasha Maine: Ka Saarista198.3 KB | 198.3 KB |
Wax Yaalaha Muhiimka ah ee looga Hortagayo Guri Ka Saarid
Miyaa lagu saarayaa? Ma ka werwersantahay in dhakhsi lagu saari rabo?
Si aad wax badan uga ogaato xuquuqahaaga haddii guriga lagaa saaro, soo booqo kulan internetka ah oo toos ah oo lala yeesho qareenka PTLA Talaada kasta 9 subaxnimo.
Gogoldhig
Maqaalkani waxa uu ka jawaabayaa su'aalaha aadka laisu weydiyo ee kiraystayaasha Maine ay ka qabaan xuquuqdooda. Gobol kastaa wuxuu leeyahay sharciyo kala duwan oo ilaaliya kiraystayaasha – maqaalkani wuxuu kahadlayaa oo kaliya sharciga gobolka Maine. Haddii aad ku nooshahay meel ka baxsan Maine oo aad raadinayso caawimo ama macluumaad, isku day Helitaanka Kaalmada Sharci ee LSC ama raadi xuquuqda kiraystayaasha ama kiraystayaasha gobolkaaga.
Haddii aad raadinayso macluumaad gaar ah iyo agab ku saabsan tillaabooyinka aad qaadayso haddii mulkiilahaagu uu isku dayayo in lagaa saaro, maqaalkeena ‘Maxaan Samayn Karaa Hadii Mulkiilahaygu Isku Dayo Inuu I saaro?’ waxay noqon doontaa mid waxtar leh. Maqaalkani waxa uu leeyahay macluumaad ballaadhan oo guud oo ku saabsan xuquuqdaada kirayste ahaan marka ay timaado ka saarida, kan kale waxa waye hage oo tallaabo-tallaabo kuu tusinaayo waxa la sameeyo haddii iyo marka mulkiiluhu isku dayo in lagu saaro - iyo halka aad caawinaad ka heli karto.
Milkiilaha gurigaygu ma dami karaa adeegyada guriga lagu istacmaalo ama ma bedeli karaa qufulada albaabkayga ama ma iga eryi karaa iyada oo aan maxkamad aadin?
Maya! sharci darro ayay ka tahy gobolka Maine in mulkiilahaagu uu xoog kaaga saaro guriga. Mulkiilahaagu waa inuu helaa amar maxkamadeed ka hor inta aanu ku saarin.
Haddii mulkiilahaagu isku dayo inuu sharciga xeeleysi kusameeyo isagoo beddelaya qufullada, qaadanaya hantidaada, ama xidhaya mid ka mid ah tas-hiilaadkaaga, markaas way jebiyeen sharciga. Hadii aad maxkamada geyso oo aad codsato caawimo degdeg ah, maxkamada waxa laga yaabaa inay joojiso mulkiilaha oo ay ku amarto inay ku siiyaan khasaarahaaga ama $250.00, hadba kii ka weyn, iyo kharashka maxkamada. Haddii aad leedahay qareen oo aad ku guulaysato kiiska, maxkamaddu waxay sidoo kale ku amri kartaa mulkiilahaaga inuu bixiyo kharashka qareenkaaga.
OGOW: Shirkadda korontadu waa inay go'aamiso in kiraystayaasha ay ku nool yihiin meel ka hor intaysan joojin adeegga iyadoo loo maraayo codsiga mulkiilaha. Haddii aad ogolaato inaad magacaaga ku qorto adeega oo aad bixiso biilasha waxii markaaas kabilowda, shirkadda korontadu kaama jari karto. Tani waxay khusaysaa dhammaan shirkadaha adeega ee ay maamusho Komishinka Dawliga ah ee Maine (PUC), oo ay ku jiraan biyaha, khadka telefoonka, iyo shirkadaha gaaska dabiiciga ah.
Mulkiilaha gurigaygu ma leeyahay sabab uu iiga saaro?
Tani waxay ku xiran tahay inaad tahay kireyste aan gelin heshiis qoran ama mid haysto heshiis qoraal ah.
Haddii aad leedahay heshiis qoraal ah
Mulkiilahaagu waxay u badan tahay in ay qasab tahy inuu yeesho sabab uu kaaga saaro. Sidoo kale kani waa sharciga haddii aad ku nooshahay guryaha la kabo ama aad leedahay guri adiga kuu gaar ah oo ku yaal goobta guryaha guurguura.
Haddii aad tahy kirayste aan gelin heshiin qoran (ma jiro heshiis)
Mulkiilaha gurigaagu wuu kaa saari karaa isagoon sabab kuu sheegin. Laakin, waa inay ku siiyaan ogeysiis 7 maalmood ah ama 30 maalmood oo ogeysiis qoraal ah. Waxaa jira waxyaabo ka reeban tan, oo hoos lagu sharaxay.
Mulkiilaha gurigaygu ma inuu ii digo ka hor intaan la iga saarin?
Haa. Nooca ogeysiisku wuxuu ku xiran yahay nooca kireysiga aad leedahay.
Haddii aad leedahay heshiis qoraal ah
- Mulkiilaha gurigaagu waxa uu kaaga saari karaa guriga "jebinta qodob" ee heshiiska. Tani waxay ka dhigan tahay inaad jabisay mid ka mid ah waajibaadyadaada ugu waaweyn ee hoos yimaada heshiiska kirada, sida bixinta kirada, inaadan dhibin kiraystayaasha kale, aadan geysan waxyeelo weyn, ama wax kale oo "qodob`" heshiis ijaareed ah. Ogow waxa heshiiskaagu sheegayo si aad si sax ah u ogaato waxa aad ku heshiisay. (Ogsoonoow: Waxaad leedahay xuquuq la mid ah mida mulikiilahada haddii mulkiilahaagu uu " jebiyo qodob ahaan" heshiiska. Waxbadan ka akhri halkan.)
- Haddii aad "jebiso qodob ahaan" heshiiska kirada, mulkiilahaagu wuxuu ku siin karaa ogaysiis aad ku joojinayso, kaas oo laga yaabo inuu noqdo ama aanu noqon ogaysiis 7 maalmood ah, taasoo ku xidhan waxa heshiiskaagu leeyahay. Ogaysiiska waa inuu kugula taliyaa xaqa aad u leedahay inaad ka doodo ka saarida guriga maxkamada dhexdeeda. Hoos ka akhri wax dheeraad ah oo ku saabsan sharciyada ogeysiiska 7-maalmood.
- Dhamaadka muddada heshiiska. Haddii heshiiskaagu aanu sheegeynin in si toos ah isu cusboonaysiinaayo marka uu dhamaado heshiiska, mulkiilahaagu waxa uu aadi karaa maxkamada isaga oo aan wax ogeysiis ah ku siin. Waxay samayn karaan sidaan keliya toddobada maalmood ee ka dambeeya dhammaadka muddada heshiiskaaga. Tusaale ahaan, waxaad haysataa heshiis hal sano ah oo dhammaanaya Ogosto 31, 2022. Mulkiilahaagu waxa laga yaabaa inuu xareeyo ashtako maxkamad inta u dhaxaysa Sebtembar 1 ilaa Sebtembar 7 2022, isagoo waydiisanaya amar ka saarid isagoon marka hore ku siin ogeysiis. (Haddii kiradaada la kabo, waxa laga yaabaa in heshiiskaagu si toos ah isu cusbooneysiinaayo, marka cutubkan kuma ku khuseeyo.)
Haddii aad tahy kirayste aan gelin heshiin qoran (ma jiro heshiis)
Mulkiilahaagu waa inuu ku siiyaa 30 maalmood ama 7 maalmood ogaysiis qoraal ah si aad uga baxdo, ama waxay isku dari karaan labadaba ooy kadhigi karaan hal ogeysiis. Ogeysiis kasta waa inuu kugula taliyaa xaqa aad u leedahay inaad ka dooddo ka saarista guriga maxkamadda dhexdeeda. Tani waxa loo yaqaan "Ogaysiis Joojin."
30-maalmood oo ogeysiis qoraal ah
Mulkiilahaagu waxa uu kaaga saari karaa 30 maalmood oo ogeysiis ah ku dhawaad sabab kasta ama sabab la'aan.
Ka Reeban: Waxa laga yaabaa inaad awood u yeelatid inaad joojiso ka saarista haddii mulkiilahaagu uu ku saarayo sababta oo ah "aargoosi" ama "takoorka sharci-darrada ah." Akhriso difaaca aargoosiga iyo difaaca takoorka.
Ogeysiiska waa in uusan joojin ijaarka ilaa taariikhda ugu dambeysa ee kirada la bixiyay, ama ka dib. Tusaale ahaan, haddii kiradaada la bixiyo illaa dhammaadka Juun, muddada ogeysiiskaagu ma dhammaan karo ka hor Juun 30-keeda. Sidoo kale, ogeysiisku waa inuu ku siiyaa 30 maalmood oo buuxa. (Tusaale: Ogeysiiska soo afjaraya kireysiga Juun 30 keeda waa in lagu siiyaa ugu dambayn May 31.) Haddii ogeysiisku aanu raacin xeerarkan, waxa laga yaabaa inaad joojiso ama dib u dhigto ka saarista. Hel talo sharci.
7-maalmood oo ogeysiis qoraal ah
Si lagaga saaro guriga iyada oo laistacmaalaayo ogaysiis 7 maalmood ah, mulkiilahaagu waa inuu haystaa sabab oo uuna qoraal ku caddeeyo sababta. Haddii aad tahy kirayste aan gelin heshiin qoran (ma jiro heshiis), sababtu waa inay noqotaa mid ka mid ah kuwan:
- Waxaad si xun u waxyeeleysay guriga mana aadan hagaajin burburka.
- Waxaad ku ahayd "dhibaato" kiraystayaasha kale ama deriska. Tusaalooyin: Waxaad la dagaallantaa deriskaaga, uma ogolaatid inay seexdaan, waxaad burburisaa hantidooda.)
- Waxaad ka dhigtay guriga mid aan lagu noolaan karin ama aan ku habboonayn in lagu noolaado.
- Waxaad beddeshay qufuladaada albaabka waadna udiiday inaad siiso mulkiilahaaga fure nuqul ah. (wax badan ka akhri oo ku saabsan sharcigan).
Haddii sababtu ay tahay inaadan bixin kiradaadii (oo aadna tahay kirayste aan gelin heshiis qoran), ogeysiisku waa inuu ku jiraa labadan jumladood:
"Haddii qadarka kirada lagugu yeeshay ilaa xiliga taariikhda ogaysiiskan aad bixiso ka hor inta aanu dhicin ogeysiiskan, marka sidaas hadii ay tahy ogeysiiskan sida uu khuseeyo deymaha kirada wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan."
"Kadib ogaysiiskani markuu dhaco, haddii aad bixiso dhammaan kirada kugu hadhay, aad bixiso dhammaan kira waxii lagugu leeyahy taariikhda aad bixineyso dentii hore iyo kharash kasta oo ah xaraynta iyo kharashka boroseeska oo uu dhab ahaantii bixiyay mulkiiluhu ka hor intay soo bixin warqada amarka la wareegidda markii boroseeska ka saarista uu dhamaadka ahaa, marka sidaas hadii ay tahy kiraystanimada qofka dib ayaa loo soo celin doonaa."
Tani waxay ka dhigan tahay haddii aad tahay kireyste aan heshiis gelin waxaad joojin kartaa ka saarista adiga oo bixinaya kirada lagugu leeyahay. 7 maalmood ka dib, haddii aadan bixin waxa lagugu leeyahay ka hor taariikhda kiradaada xigta, waa inaad bixisaa kirada labada bilood si aad u joojiso ka saarista. Weli waad joojin kartaa ka saarista adiga oo bixisa dhammaan kirada lagugu leeyahay xiitaa ka dib marka uu mulkiiluhu ku geeyo maxkamad si uu helo amar guri ka saarid ah. Laakin si aad markaas u joojiso ka saarista, waa inaad bixisaa dhammaan kirada lagugu leeyahay iyo kharashka mulkiilaha kaga baxay maxkamada.
Kharashyadani waa:
- kharashka bixinta waraaqaha ee maxkamadda
- kharashka xaraynta ee maxkamadda
Fursadda ugu dambeysa ee aad ku joojin karto ka saarista waa wax yar ka hor inta aysan maxkamaddu soo saarin "amarka lawareegidda." Mulkiilahaagu wuxuu heli karaa "amarkaan" 7 maalmood ka dib markay helaan amarka Maxkamadda.
Mulkiiluhu, ama wakiilkooda, ma ku qasban yihiin inay i siiyaan "Ogaysiis ka joojinta" shakhsi ahaan?
Haa. Kiraysiga aan heshiis lagelin , mulkiiluhu, ama wakiilkoodu, waa inuu u keenaa kiraystaha ogeysiiska 7-maalmood ama 30-maalmood ka ah shakhsi ahaan. Ogeysiiska ma aha in uu u keeno shariif Marka laga reebo:
Mulkiilaha, ama wakiilkoodu, waa inuu sameeyaa 3 dadaaal oo niyad wanaag ah si uu gacanta kugu keeno ogeysiiska. Haddii ay weli ku heli waayaan 3 isku day ka dib, waxay ogeysiiska kugu soo diri karaan boostada iyo in ay koobi kaga tegi karaan gurigaaga.
Maxaa dhacaya haddii aan gurigayga ka kiraysto cidda aan u shaqeeyo?
Haddii mulkiilahaagu uu sidoo kale yahay cidda aad ushaqeyso, waxaa laga yaabaa inay awoodaan inay tagaan maxkamad si ay kaaga saaraan iyaga oo aan marka hore ku siin ogeysiis qoraal ah oo aad ku joojiso. Hel talo sharci. Milkiilaha gurigaagu waa inuu aado maxkamada si uu kaaga saaro.
Maxaa dhacaya haddii aanan ka guurin ka dib markaan helo ogeysiis guri ka saarid ah?
Mulkiilahaagu waa inuu aadaa maxkamad si uu kaaga saaro! Haddii aadan ka guurin dhamaadka xilliga ogeysiiska, markaa mulkiilahaagu wuxuu ku siin karaa waraaqo maxkamadeed. Kiis maxkamadeed waxaa loo yaqaan " Gelida Qasabka ah iyo haynta." (Taas macnaheedu maaha in mulkiiluhu uu gurigaaga ku soo geli karo xoog ama uu ku hayn karo.) Waraaqaha ayaa sheegaya in mulkiilahaagu uu isku dayayo inuu guriga kaa saaro. Waxay ka codsanayaan maxkamadda inay qabato dhageysi, si ay go'aan uga gaarto in guriga lagaa saari karo iyo in kale. Haddii aad rabto inaad la dagaallanto ka saarista, waxaad xaq u leedahay in lagugu dhagaysto maxkamad. Mulkiilaha guriga kuma qasbi karo inaad baxdo amar maxkamadeed la'aanteed.
Waa kan waxa dhici doona:
In loo diro yeedhmo iyo cabasho
- Ku-xigeen shariif ayaa ku siin doona waraaqaha maxkamadda: u yeedhid iyo cabasho.
- Mulkiiluhu waxa uu yeeli karaa in laguu keeno waraaqa haan wakhti kasta ka dib dhammaadka muddada ogeysiiska
- U yeedhiddu waxay kuu sheegi doontaa taariikhda, wakhtiga, iyo goobta dhegeysiga maxkamadda.
- Waa inaad hesho waraaqaha ugu yaraan 14 maalmood ka hor dhegeysiga maxkamadda.
- Sarkaalku waa inuu ku dadaalaa inuu kugu keeno waraaqaha gacanta ugu yaraan 3 jeer 3 maalmood oo kala duwan. Haddi ay taasi shaqayn waydo, markaa mulkiiluhu waxa laga yaabaa in uu boostada kuugu soo diro ogaysiiska oo uu kaga tago koobi meesha aad degan tahay oo ay u badan tahay in aad ka heli karto (sida ku dhejinta albaabkaaga). Dabadeed mulkiiluhu waa inuu xareeyaa afidhaafid maxkamadda isagoo ku dhaaranaya tillaabooyinka ay qaadeen inay ku ogeysiiyaan.
- Haddii aadan heli karin qareen ku caawiya, ka akhriso wax badan oo ku saabsan sida loo maareeyo ka saarista guriga maqaalkeena 'Maxaan Samayn Karaa Hadii Mulkiilahaygu Isku Dayo Inuu Iga Saaro?' - waxay leedahay tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan waxaad samayn lahayd.
- Isla markiiba raadso talo sharci.
Dhageysiga maxkamada ee ka saarida guriga
- Haddi aadan heshiis la gaadhi karin mulkiilahaaga, waxaad yeelan kartaa dhegaysi. Ka akhri wax badan oo ku saabsan sida loogu diyaargaroobo dhageysiga maxkamadda.
- Dhegeysiga maxkamadda mulkiiluhu wuxuu u sheegi doonaa garsooraha ogeysiiska ay ku siiyeen iyo sababta ay u doonayaan inay kaa saaraan guriga. Markaa waxaad haysataa fursad aad ku sharaxdo sababta aan guriga lagaaga saareyn Ka akhri wax badan oo ku saabsan qaybta soo socota oo ku saabsan qaar ka mid ah difaacyada loo isticmaalo ka saarida guriga si aad ah ee gobolka Maine
- Wakhtiga dhegeysigaaga haka dib dhicin.
- Haddii ay dhacdo in aad tagto dhegeysiga qareen la'aan, codso dhageysi la duubay. Warqad u dir maxkamadda waqti hore. Codsigaagu waa inuu noqdaa ugu yaraan 24 saacadood ka hor. Ka dib codso mar kale duubid markaad tagto maxkamada.
- Xaakimku waxa laga yaabaa inuu kuu sheego inay tahay inaad "dhexdhexaadin" aado ka hor intaanad qaadin dhegaysi maxkamadeed. Haddii aad heshiin weydo inta lagu jiro dhexdhexaadinta, markaas waxaad aadi doontaa dhegeysi maxkamadeed oo rasmi ah. Ha aqbalin wax aadan fahmin, ama aadan awoodin.
Difaacyada Ka Saarida ee aad looga istacmaalo gobalka Maine
Difaaca ogeysiis aan habboonayn
Mulkiilahaagu waa inuu raaco dhammaan xeerarka ogeysiiska. (Inta badan xeerarka ogeysiiska kor ayaa lagu sharaxay.)
Haddii aad u malaynayso in ogaysiiskaagii joojinta aanu buuxin dhammaan xeerarka, u sharax garsooraha. Haddii xaakinku ogaado in mulkiilahaagu aanu raacin dhammaan xeerarka ogeysiiska, markaa mulkiiluhu waa luminayaa oo waa inuu bilaabo nidaamka ka saarista mar kale.
Difaaca guri ee aan ammaan ahayn ama aan habboonayn
Haddii mulkiilahaagu uu isku dayayo inuu ku saaro sababtoo ah adiga ayaa la daahay bixinta kirada, waxaa laga yaabaa inaad awoodid inaad joojiso ka saarista haddii aadan bixin sababta oo ah dhibaatooyin halis ah oo gurigaaga ah oo mulkiiluhu diiday inuu hagaajiyo. Tan waxaa loogu yeeraa "dammaanadda difaaca degenaanshaha" sababtoo ah mulkiiluhu wuxuu jabiyay ballanqaadkiisii ahaa inuu ku kireeyo guri ammaan ah. (Eeg Xuquuqda Kiraystayaasha Maine: Guriyeyn Aan Ammaan Ahayn Ama Aan Fiicneyn.)
Hadii xaakinku ogaado in mulkiiluhu aanu xalin mashaakilaad halis ah oo aad u sheegtay, markaas waxaad waydiin kartaa maxkamada:
- In ay kuu ogolaato inaad ka baxdo heshiiskaaga,
AMA
- In ay kuu ogolaato inaad joogto oo aad bixiso kiro hoose ilaa uu mulkiiluhu gurigaaga ka dhigo mid amaan ah. Haddii aad joogtid, xaakinku waxa kale oo uu go'aamin doonaa inta ay tahay inaad bixiso oo kiradii hore ah ood kuqasbantahy iyadoo kusaleysan qiimahaan hoose.
Difaaca aargoosiga
Lixdii bilood ee la soo dhaafay, haddii aad:
- u dacwootay caasimadda ama magaalada kusaabsan jebinta xeerka
- si qoraal ah ka codsatay mulkiilahaaga inuu ku sameeyo dayactirka lagama maarmaanka ah
- u gudbisay cabasho guriyeyn cadaalad ah (takoorka) dawlada
- tahay dhibane rabshad guri, faraxumayn galmo, daba gal (wax badan ka sii akhri) ama
- Bilaawday ama aad ku biiray ururka kiraystayaasha,
Waxaa laga yaabaa inaad haysato ilaalin sharciyeed. Milkiilaha gurigaaga waa in aan loo ogolaanin inuu kaa saaro guriga ilaa ay muujin karaan ma ogiye sabab kale oo ay ugu baahan yihiin inay kaaga saaraan guriga. Haddii aadan heshiis la gaarin mulkiilaha gurigaaga, waa inaad u sheegtaa garsoorka inaad haysato ilaalin sharciyeed haddii aad samaysay mid ka mid ah waxyaabaha kor ku xusan lixdii bilood ee la soo dhaafay.
Digniin: Haddii mulkiiluhu ku qanciyo garsooraha inay isku dayayaan inay kugu saaraan sabab kale oo wanaagsan (sida in aad geeysato"dhibaato"), markaas wali waa lagaa saari karaa. Sidoo kale, sharcigu ma ogola difaacan halka ka saarista ay ku salaysan tahay inaad bixin wayday kirada ama aad u gaysatay burbur wayn goobta markii laga reebo in aad isku dayday inaad isticmaasho "hagaaji ee iskajar" duruufaha nololeed ee xumaa awgeed. Sharciyo kala duwan ayaa lagu dabaqaa si loo ilaaliyo dhibanayaasha rabshadaha qoyska, weerarka galmada ama dabagalka.
Waxa kale oo aad xaq u leedahay in aadan bixin ijaar kororsi sharci darro ah oo aadan bixin kharashaadka adeegyada caadiga ah. (Fiiri maqaallada ku saabsan Xuquuqda Kiraystayaasha Maine: Bixinta Kirada iyo Xuquuqda Kiraystayaasha Maine: Kharashaadka Tamarta iyo Addegga ee Meelaha La wadaago.)
Haddii mulkiilahaagu uu isku dayayo inuu kaaga saaro mid ka mid ah sababahan, u sharax taas garsooraha. Difaacyadan ayaa laga yaabaa inay joojiyaan guri ka saarista.
Difaaca takoorka
Waa inaan guriga lagaa saarin sababta oo ah:
- jinsiyadaada
- midabkaaga
- Jinsigaaga
- Ciida aad kahesho in aad la galmooto
- daciifnimo jireed ama maskaxeed
- Dintaada
- Abtirsiinyadaada ama asal kaaga qaran
- helida kaalmada dadweynaha,
- helida (ama isku day inaad hesho) amar ilaalin ah oo ka dhan ah qof kale, ama
- waalid keligiis ah, uur leh ama ilmo leh ahaanshada
Ka akhri wax badan oo ku saabsan Takoorka.
Ogsoonoow: Haddii adiga ama qof qoyskaaga ka mid ah uu naafo yahay, mulkiilayaasha badankoodu waa inay kuu ogolaadaan "hoy macquul ah" si ay kaaga caawiyaan inaad gurigaaga sii joogto. Waxaad codsan kartaa caawimadan xitaa ka dib markaad hesho ogeysiis guri ka saarid Maxkamadu waa inaanay u ogolaan mulkiilahaaga inuu ku saaro haddii mulkiilahaagu aanu isku dayin “ hoy macquul ah Isku day inaad hesho qareen kaa caawiya difaacan. Wax badan ka akhri maqaalkeena ku saabsan Ilaalinta Guryeynta ee Dadka Naafada ah iyo Qoysaskooda.
Digniin: Mulkiilahaagu waxa laga yaabaa inuu haysto wax ka badan hal sabab oo uu isku dayo inuu kaaga saaro guriga. Xataa haddii aad difaac fiican u leedahay mid ka mid ah sababaha, xaakimku waxa laga yaabaa inuu weli ogolaado ka saarista haddii mulkiiluhu haysto sabab kale oo wanaagsan oo uu ku doonayo inaad ka guurto.
Maxkamaddu ma i siin doontaa wakhti dheeraad ah oo aan ku guuro?
Inta badan garsoorayaasha ma rumaysna in sharcigu awood u siinayo inay ku siiyaan waqti dheeri ah oo aadan haysan difaac sharci ah Waxad isku dayi kartaa inaad la hadasho mulkiilaha ama qareenkooda wakhti dheeraad ah. Ama, haddii aad ikhtiyaar u leedahay inaad la hadasho dhexdhexaadiye maxkamad, waxaad isku dayi kartaa inaad heshiis ku hesho wakhti dheeraad ah adigoo umaraayo dhexdhexaadin. Laakin in aad heshiis la gasho mooyaane, maxkamadu waxay u badan tahay in aanay dib u dhigi doonin ka saarista.
Ma la iga saari karaa xilliga jiilaalka ama haddii aan carruur leeyahay?
Haa. Sharciga Maine wuxuu u ogolaanayaa mulkiilahaaga inuu ku saaro wakhti kasta inta lagu jiro sanadka iyo xitaa haddii aad caruur leedahay. Laakin, lagagama saari karo guriga in aad caruur leedahay aawgeed. Wax badan oo ku saabsan Takoorka Sharci-darrada ah
Ogsoonoow: Haddii guriga lagaa saaro, carruurtaadu weli waxay xaq u leeyihiin inay dugsiga joogaan. Ka akhriso macluumaadka SHARCIGA ah ee KIDS: Xuquuqda Ardayda Hoylaawayaasha ah inay tagaan Dugsiga.
Maxaa dhacaya haddii aanan tagin dhegeysiga guri ka saarista ee maxkamadda?
Haddii aadan tegin dhegeysiga maxkamadda oo mulkiilahaagu uu tago, waad kuguul dareysan doontaa kiiska. Garsooruhu waxay u badan tahay in uu "xukun caadi ah" kugu xukumo. Kadib mulkiiluhu wuxuu ku laaban karaa maxkamada 7 maalmood ka dib wuxuuna heli karaa "warqada amarka lawareegida."
Haddii kireeyuhu kugu leeyahy lacagta kirada ama lacag khasaare, ma heli karaan amar maxkamadeed oo kusaabsan arintaan marka la joogo dhageysiga ka saarista. Waxay kaliya codsan karaan amar ka saarid Mulkiilaha gurigaagu gadaal wuu ku dacwayn karaa, haddii ay doonaan, kuguna dacweyn karaan lacag kasta oo lagugu leeyahay.
Maxaa dhacaya haddii aan maxkamadda tago oo aan guul dareysto?
Haddi ay maxkamaddu kugu xukunto oo aadan rafcaan ka qaadan, markaa mulkiilahaagu waxa uu maxkamadda ka heli karaa "warqada amarka lawareegidda" 7 maalmood ka dib.
Waa maxay "warqada amarka lawareegidda?"
Warqadani waxay ka imaaneysaa Maxkamadda waxayna siinaysaa mulkiilaha xaqa inuu hantidooda dib kaaga soo ceshto. Mulkiilahaagu wuxuu waydiisan karaa ku xigeen sheriff ama askari inuu ku siiyo koobiga "warqada amarka." Waa inaad ka guurtaa gurigaaga 48 saacadood gudahood ka dib markaad hesho "waraaqda amarka." Haddii aadan ka guurin, waxaad noqon doontaa xad-gudbay. Mulkiiluhu markaa un ka dib kaliya ayuu yeelanayaa xaq uu kugu saaro asagoo adeegsanaayo booliisku in ay xoog kugu saaraan (iyo inuu alaabtaada uu kaydiyo kharashkana adiga laga rabo).
rafcaan ma ka qaadan karaa kiiskayga?
Haa. Waad ka qaadan kartaa racfaan kiiskaaga haddii aad aaminsantahay in go'aanka maxkamada uu ahaa mid qaldan.
rafcaan ku taariikh kama dambays ah buu leeyahy. Rafcaan kasta waa in la xareeyaa ka hor inta lasoo saarin "warqada amarka" (eeg kor). Si aad u badbaado, xarayso rafcaanka Maxkamadda Degmada 6 maalmood oo ka bilaabmaysa maalintii uu garsooruhu saxeexay amarka lagugu soo rogay. Xilliga kama dambaysta ah waa 30 maalmood laga bilaabo xukunka, haddii "warqada amarka" aan horay loo soo saarin.)
Racfaanka waxaad ku yeelan kartaa maxkamadeyn cusub oo leh xeerbeegti. Si aad u heshid dacwad xeerbeegti ah, waa inaad maxkamada u caddaysaa in adiga iyo mulkiilahaagu aad isku khilaafsan tihiin xaqiiqada kiiska. Haddii aad kaliya diidan tahay waxa sharciga macnihiisu yahay, maxkamada rafcaanku waxay kaliya dib u eegi doontaa diiwaanka dhagaysigaaga kowaad si ay u aragto in garsooruhu uu sameeyay khaladaad sharci markii uu go'aaminaayay kiiska.
U diyaargarow inaad bixiso kirada mulkiilaha ama aad kubixiso akoonka maxkamadda inta uu racfaanka kaa maqan yahay.
Haddii aad rabto inaad racfaan ka qaadato, gaar ahaan haddii aad rabto inaad weydiisato maxkamad xeerbeegti ah, isku day inaad hesho qareen. Tani way adkaaneysaa inaad keligaa samayso. Maxkamaddu waxay halkan ku bixisaa foom rafcaan ah, laakiin buuxinta iyo xeraynta foomka waa kaliya tallaabada ugu horreysa ee racfaanka.