Somali

Ma u Baahan Tahay Gargaar Sharciga ah?

Soo wac Gargaarka Sharciga ‘Pine Tree Legal Assistance’
Waa gargaar xagga sharciga ah oo loogu talogalay dadka dhaqaalaha yar ee dagan gobolka Maine.

طباعة

Hay’ada ‘Pine Tree Legal’ waxay bixisaa gargaar xagga sharciga ah oo bilaash ah oo la siiyo dadka dhaqaalaha yar ee ku nool gobolka Maine.

Iyadoo sababtu tahay shaqaalayaga oo yar, ma caawin karno qof kasta oo noo baahan. Dhibaatooyinka sharciga ee ay dhici karto in annu dadka ka caawino waxa ka mid ah:

  • Guryaha
  • Dhibaatooyinka cashuurta
  • Budhcadnimada guriga ka dhacda
  • Helitaanka daryeelka caafimaadka
  • Dhibaatooyinka iskuulka
  • Furitaanka iyo xuquuqda waalidka
  • Barnaamijyada dawladda sida TANF, ASPIRE, SSI, Raashinka ‘Food Stamps,’ ama MaineCare.

Wixii kale ee ah dhibaatooyin sharci, fadlan nala soo xirir si ad ogaatid haddii annu ku caawin karno. Dadka kama aan caawin karno dhibaatooyinka xeerka ciqaabta ama xeerka taraafigga.

Haddii ad tahay dhibane lagula kacay budhcadnimo guriga dhexdiisa ka dhacday, ama haddii ay ku haysato dhibaato ah cashuurta dakhliga, waxa dhici karta in annu awoodi karno in annu ku caawino xiitaa haddii ad leedahay dhaqaale sare.

Wac ama tag xafiiska Pine Tree ee kuugu dhow. Haddii aanad Ingiriisiga ku hadlin, isla markiiba weydiiso turjubaan. Waxa annu ku siin doonaa turjubaan lacag la’aan ah.

Si ad tilifoon nagula soo xirirtid, soo wac 774-8211. Haddii aanad Ingiriisiga ku hadlin, sug soo-dhaweynta af Soomaaliga ah. Soo-dhaweynta ka dib, waxa laguu sheegi doonaa inad riixdid butoonka ama lambarka [2] ee ku yaalla tilifoonkaaga. Ka dibna raac tilmaamaha kuu sheegaya sida fariin loo dhaafo. Annaga oo turjubaan wadana ayaanu dib kuu soo wici doonaa.

Bisha Koobaad 2008
PTLA #998SO