Wax Yaalaha Muhiimka ah ee looga Hortagayo Guri Ka Saarid
Miyaa lagu saarayaa? Ma ka werwersantahay in dhakhsi lagu saari rabo?
Si aad wax badan uga ogaato xuquuqahaaga haddii guriga lagaa saaro, soo booqo kulan internetka ah oo toos ah oo lala yeesho qareenka PTLA Talaada kasta 9 subaxnimo.
Gogoldhig
Sharciga Maine ayaa si cadaalad ah ugu cad cad arimo badan oo kireystaha ah (ka akhri wax badan oo ku saabsan xuquuqda kiraystayaasha Maine qaybtayada guryaha kiraynta), sharciyadu aad uguma cad caddo xuquuqda dadka ku nool motel-lada, huteelada iyo guryaha qolqolka loo kireeyo. Halkan waxaan kaga jawaabi doonaa qaar ka mid ah su'aalaha ugu caansan ee ku saabsan noocyadan guryaha.
Xaq ma u leeyahay in aan helo ogeysiis qoraal ah oo guri ka saarid ah iyo dhegeysi maxkamadeed?
Guud ahaan, ma tihid kirayste haddii aad ku nooshahay motel ama hudheel. Markaa mulkiiluhu wuxuu ku saari karaa ogeysiis gaaban oo aan maxkamad la tagin. Laakiin jawaabtu way ka duwanaan kartaa haddii aad halkaas ku noolayd wakhti dheer. Hoos ka akhri wax badan.
Haddii aad ku nooshahay guri qolqol ah, ma tahay kirayste Maxaa dhacaya haddii aad ku nooshahay huteel (inn), motel, ama loojin muddo dheer? Ama mabixisaa kirada bishii, halkii aad ka bixin lahayd lacag maalinle ah? Halkaan waye halka sharciga mugdi kaga jiro. Mulkiiluhu waxa laga yaabaa inuu sheego inaadan ahayn kirayste sababtoo ah waxay haystaan shatiga hudheelka ama waxay maamulaan "guri la hoydo" oo shati haysta. Laakiin waxaa jira wax ka badan.
Haddii mulkiiluhu u dhaqmo sida mulkiilaha motel ama hudheelka isaga oo sameynaayo sidaan:
- bixinta go'yaal iyo shukumaano nadiif ah
- Gelida qolkaaga iyo nadiifinta qolkaaga
- Saxiixidda diwaanka martida imaneyso iyo kuwa baxayaan
- dhejinta qiimaha qolalka gaarka ah
- shaqaaleysiinta karraaniga miiska
- Si buuxda uqalabaynta guryaha
- kiraynta qolalka waqti gaaban oo keliya
- Uxayaysiinta sida meel loogu talagalay dadka socotada ah iyo kuwa loojinada dega
markaa waxaa laga yaabaa inaadan ahayn kirayste.
Laakiin haddii mulkiiluhu aanu samayn waxyaalahan, markaa waxa laga yaabaa in sharciga ula dhaqmo sidii mulkiile guri. Tan macneheedu waxa weeye in aad leedahay xuquuqda sharciga ah ee kiraystaha, lagumana saari karo si sharci ah iyada oo aan la helin ogeysiis qoraal ah iyo amar maxkamadeed.
Waxyaabaha kale ee muhiimka ah waxaa waaye:
- intee in le'eg ayaad ku nooshahay halkaas iyo intee in le’eg ayay kunoolyihin kuwa kale ee dhismaha degen
- helitaanka tas-hiilaadka jikada
- nooca heshiiskaaga qoran, haddii aad mid leedahay
Markaa haysashada shatiga "guriga hoyga" kuma filna. Haddii mulkiiluhu u dhaqmo sidii mulkiila guri oo kale, sharcigu wuxuu ula dhaqmi doonaa sida mulkiilaha oo kale. Kireystayaashana waxay heli doonaan ilaalin sharci oo dheeri ah
Haddii aad ku nooshahay huteel, motel, huteelada yaryar, ama guri qol leh oo aadan hubin xuquuqdaada, fadlan wac Pine Tree Legal Assistance.
Maxaa dhacaya haddii aan ku bilaabo joogida dhowr maalmood oo keliya laakiin aan bilaabo inaan halkaas ku noolaado muddo dheer?
Hal xuquuq ah oo ku cad sharciga Maine waa xaqa inaadan bixin "canshuuraha isticmaalka" haddii aad halkaas joogto in ka badan 28 maalmood. Xeerkani wuxuu khuseeyaa:
- hoteelada
- guryaha qolqolka ah
- xerooyinka dalxiiska iyo
- xeryaha trailer
Goobahani waa inay ka qaadaan "canshuuraha isticmaalka" dalxiisayaasha iyo martida kale ee muddada gaaban. Laakiin haddii aad halkaas joogto in ka badan 28 maalmood, mulkiiluhu ma sii wadi karo inuu kugu soo dallaco cashuurtan. Sidoo kale, milkiilaha waa inuu kuu soo celiyaa cashuurta aad bixisay 28-kii maalmood ee ugu horreeyay. Sharcigani wuxuu khuseeyaa haddii aad:
- laheyn guri joogto ah, ama
- aad ka maqan tahay guriga si aad ushaqeyso ama aad iskuul udhigato
Wax badan ka baro lacag celintan "canshuurta isticmaalka" halkan.
Xagee aadi karaa haddii la iga saaro oo aan lacag haysan?
Halkan waxaa ah laba ikhtiyaar oo suurtagal ah:
- Tag xafiiska magaalada aad ku nooshahay ama meesha aad rabto inaad ku noolaato oo weydii "Kaalmada Guud." Kani waa barnaamij ay maamulaan caasimad kasta iyo magaalo kasta oo ku taal Maine si ay dadka uga caawiyaan bixinta baahiyahooda aasaasiga ah haddii aysan haysan ilo kale. Akhri maqaalkeena ku saabsan Caawinta Guud ee Maine.
- Dhammaan caasimadaha Maine, iyo qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn, waxay leeyihiin hoy loogu talagalay kuwa guryo la'aanta ah Si aad u hesho hoyga kuugu dhow, la xidhiidh Maamulka Guriyeynta Gobolka Maine.
Ma jirtaa hab aan carruurtayda ku hayn karo dugsiga ilaa aan dib u dajin ka helayo?
Carruurtaadu waxay xaq u leeyihiin inay dugsiga sii wataan, xataa haddii aad guri la'aan tahay ama aad ku jirto nooc ka mid ah guryaha ku meel gaarka ah.
Haddii aad si ku meel gaar ah u joogto meel (saaxiibo ama qaraabo, ama motel, hoy, ama xarub, tusaale ahaan), waxaad dooran kartaa inaad u dirto carruurtaada kuwan midkood:
- dugsigoodii hore (haddii uu ujiro meel hal saaca oo baabuur ah loo socdo) ama
- dugsiga ku dhex yaal degmada aad hadda joogto.
Dugsigu waa inuu bixiyaa gaadiid. Haddii carruurtaadu ay aadaan dugsiga xaafadda, waa in loo oggolaadaa inay si degdeg ah u dhigtaan, xitaa haddii aan diiwaankooda dugsigu la wareejin. Marka aad ka guurto ku meel gaar una guurto guri joogto ah, carruurtaadu waxay sii joogi karaan dugsigooda hadda ilaa dhammaadka sannad dugsiyeedka, haddii taasi ay tahay doorashadaada. Haddii aad qabto su'aalo ama dhibaatooyin ku saabsan arrimaha dugsiga, fadlan la xidhiidh KIDS LEGAL, waa mashruuca Pine Tree Legal Assistance.
Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah, fadlan la xiriir Pine Tree Legal Assistance.