| Waa maxay macnaha "Cadaaladda Guryaha" (Fair Housing)? |
Gobolka Maine waxa ka jira sharci gobol iyo sharci federal
oo ku saabsan "cadaaladda Guryaha". Sharciyadaasi waxay qorayaan
inaan mulkiile guri (landlord) aanuu kuu diidi karin inu guri kaa kireeyo
iyadoo sababtu tahay:
- jinsi
- midab
- asal wadan ama isir (meesha adig ama qoyskaagu ka yimi)
- diin
- rag iyo dumarv
- naafo
- haynta caruur yaryar (taasoo sharciga loogu yeedho "xaalad qoys"
(familial status)) ama
- qaadashada gargaarka dawladda
Waxa kale oo sharci-daro ah in mulkiilaha gurigu kuula dhaqmo
si ka duwan sida uu kireystayaasha kale ula dhaqmo iyadoo sababtu tahay
isla kuwaa la soo sheegay.
| Waa guryahee kuwa sharcigu qabanayo? |
Sharcii wuxu qabanayaa guryaha intooda badan, ama gurigu ha
ahaado mid aad kireysanaysid ama aad iibsanaysid. Guryaha sharcigu qabanayo
waxa ku jira:
- abaarmanada iyo guryahay ay iska leeyihiin mulkiilayaasha gaarka ah,
iyo
- "guryaha la kabo" (subsidized housing), sida guryaha dawladda
(public housing) ee ay maamusho hay’ad guri.
Waxa jira dhawr wax oo ka reeban sharciga. Tusaale ahaan:
qaybo ka tirsan sharciga federalka ayaan la dabiqi karin ama la isticmaali
karin haddii u mulkiiluhu guriga ku nool yahay isla markaana guryaha u kireynayo
aanay ka badnayn 4 guri. Sharciga gobolku ma qabanayo dhisme ka kooban 2
guri oo mid ka mid ah u degan yahay mulkiiluhu. Sidoo kale ma qabanayo marka
uu mulkiiluhu u kireynayo 4 qol ama wax ka yar oo ku yaalla gurigiisa.
| Ka waran haddii si ka sii xun la iila dhaqmo sababta oo ah waxan dacweeyay
mulkiile guri, ama qof baan ka gargaaray dacwad? |
Sharcigu wuxu qorayaa inay sharci-daro tahay in qof kuu hanjabo,
ama si khalad ah kuula dhaqmo, sababta oo ah waxa aad isku dayday inaad
hirgalisid sharciga cadaaladda guryaha. Haddii taasi dhacdo, waxa aad heli
kartaa gargaar. (Eeg qaybta "Halkee Baan Gargaar ka Heli Karaa"
ee hoos ku taalla.)

| Mulkiile guri ma ii diidi karaa inu guri iga kireeyeo sababtoo ah
waxan leeyahay caruur? |
Maya. Sharcigu wuxu qorayaa in mulkiilayaasha guryuhu aanay
dadka caruurta leh u diidi karin inay guri ka kiryeeyaan, ama sababtoo ah
waxad leedahay uur. Waxa jira ka-reebis u gaar ah guryaha qaarkood oo loogu
talogalay guryaha waayeelka. Xeerarka amaanka guryaha ayaa iyaguna xad u
yeelli kara tirada dadka si amaan ah ugu noolaan karaguri, taasoo ku xidhan
cabbirka guriga. Waa sharci in laguu diido in guriga lagaa kireeyo sababta
oo ah dadkaaga ayaa badan. Wareyso xafiiska amaanka dhismaha ee degmadaada
(building code office).
| Mulkiile guri ma iila dhaqmi karaa si ka duwan sida uu dadka kale
ula dhaqmo sababtoo ah waxan qaataa gargaarka magaalada, gobolka, ama
dawladda Maraykanka? |
Sharciga Maine wuxu qorayaa waa in laguula dhaqmaa isla sida
loola dhaqmo kireystayaasha kale. Taa macnaheedu waxa weeye inaan mulkiilaha
gurigu kaa qaadi karin kiro ama kharash gaar ah, ama aanuu sharci gaar ah
adigu kuu samaysan karin.
| Ka waran haddii aan isku dayayo inaan guri iibsado, ka dibna u iibiye
guri ama dayn-bixiye cadaalad-daro ama takooris igu sameeyo? |
Sharciga waxa kale oo lagu dabiqi karaa ama u qabanayaa marka
aad isku dayaysid inaad guri iibsatid.
- Guri iibiyuhu kuuma diidi karo inu guri kaa iibiyo, ama kugu adkeeyo
sidii aad u iibsan lahayd.
- Dilaal guri (real estate agent) ma diidi karo inu kuu adeego.
- Bixiye dayn guri (home mortgage lender) kuuma diidi karo dayn ama kuguma
adkayn karo sidii aad dayn u heli lahayd.
Takooristu ama cadaalad-daradu waa inay ku salaysan tahay
jinsi, midab, diin, lab iyo dhedig, asal wadan ama isir, naafo ama lahaansho
caruur ("xaalad qoys").
| Halkee baan gargaar ka heli karaa? |
Si aad u soo sheegtid takoorista, la soo xidhiidh labadan
xafiis ee dawladda. Soo wac ama warqad u soo qor. Ama buuxi warqadda ku
jirta rugta internetka ee hoos ku qoran.
Maine Human Rights Commission (Guddida Xuquuqda Bini’aadanka
ee Maine)
51 State House Station

Augusta, Maine 04333-0051
Teleefon: 207-624-6050
Maqal-laawe (TTY/TTD): 207-624-6064
FAAKIS: 207-624-6063
Internetka halkan ka xerayso dacwadda:
http://www.state.me.us/mhrc/FILING/charge.htm
HUD Office of Fair Housing (Xafiiska HUD ee Cadaaladda Guryaha)
U.S. Dept. of Housing & Urban Devel.
Thomas P. O’Neill, Jr. Federal Bldg.

10 Causeway Street, Room 321
Boston, MA 02222-1092
Teleefon: 1-800-827-5005 ama (617) 994-8300
Maqal-laawe (TTY) (617) 565-5453
FAAKIS: (617) 565-7313
Internetka halkan ka xerayso dacwadda:
www.hud.gov/complaints/housediscrim.cfm
Haddii aad su’aalo qabtid, ama aad doonaysid gargaar lagaa
siiyo buuxinta warqadda xafiiska, soo wac Gargaarka Sharciga ee Pine Tree
Legal Assistance oo leh lambarka 774-8211. Haddii aanad Ingiriisiga ku hadlin,
sug salaanta af Soomaaliga ah. Salaanta ka dib, waxa lagaa codsan doonaa
inaad riixdid lambarka #4 ee teleefonkaaga. Ka dibna raac tilmaanta ku saabsan
sidii aad fariin uga tagi lahayd. Annaga oo wadana turjubaan ayaa dib ku
soo wici doona.
| Maxaa dhici doona haddii aan dacwad xeraysto? |
Maine Human Rights Commission (MHRC) (Guddiga Xuquuqda
Bini’aadanka ee Maine)
Waa
inaad dacwad ka xeraysatid MHRC (Guddiga Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine)
lix bilood gudahood laga bilaabo maalinta u mulkiilaha gurigu ku kacay falka
sharci-darada ah. Ka dib marka aad dacwadda xeraysatid, MHRC waxay mulkiilaha
guriga u diri doonta koobiga ama nuqulka dacwadda, si loo helo jawaabtiisa.
Ka dibna waxa aad fursad u heli doontaa inaad ka jawaabtid jawaabtiisa.
Baadhe ka socda MHRC ayaa arrinta ama kiiska baadhi doona.
Waxa dhici karta in baadhuhu qabto shir ah "xaqiiqo-raadis." Shirkaasi
waa shir aan rasmi ahayn oo ah xaqiiqo-raadis. Ama waxa dhici karta in baadhuhu
la yeesho shirar gaar ah adiga iyo mulkiilaha guriga ama teleefonka kugula
soo hadlo.
Baadhitaanku inta uu socdo waxa aad fursad u heli doontaa
in arrinta la dhameeyo. Haddii aad heshiis isla gaadhaan, waa in labada
dhinacba ka soo baxaan heshiiska. Haddii aad heshiin weydaan, baadhuhu wuxu
qori doonaa warbixin. Baadhuhu wuxu warbixinta ku qori doonaa inu u malaynayo
ama aanu u malaynaynin in mulkiiluhu jabiyay sharciga guryaha.
Baadhuhu wuxu warbixinta u soo diri doonaa adiga iyo mulkiilaha
guriga. Haddii aanad warbixinta raalli ka ahayn, waxa aad warqad u qori
kartaa Xubnaha Guddiga Xuquuqda Bini’aadanka (Commissioners). Xubnaha Guddidu
waxay akhriyi doonaan warbixinta, iyo waliba wixii qoraallo ah ee aad adiga
iyo mulkiilaha guriga soo raaciseen. Ka dib shir dadweynaha u furan ayaa
Xubnaha Guddidu ugu codeyn doonaan inay taageeraan warbixinta iyo inaanay
taageerin.
Haddii aad ka heshiisaan arrinta, waxay arrintu ku dhamaan
kartaa dhawr bilood, ama wax u dhow. Haddiise arrintu ay marto habka u yaalla
oo dhan, waxa caadi ah in arrintu qaadato 330 maalmood.
Ka dib marka Guddidu go’aan ka gaadho arrintaada, waxa kuu
banaan inaad dacwadda la hortagtid Maxkamadda Sare (Superior Court). Haddii
Guddidu aragto "sababo caqli-gal ah" oo sheegaya in si sharci-daro
ah laguula dhaqmay, qareen ama looyar ayaa arrintaada geyn doona maxkamadda.
Ama, ka dib marka arrintaadu taallay MHRC mudo ah 180 cisho, waxa aad ka
codsan kartaa in baadhitaanka la joojiyo si aad dhakhso maxkamadda u tagtid.
Ka hor intaanad taa sameyn raadso qareen ama qof sharciga kaala taliya.
HUD Fair Housing Office (Xafiiska HUD ee Cadaaladda Guryaha)
Haddii aad go’aan ku gaadhid inaad dacwadaada ka xeraysatid
Xafiiska Dawlaada Maraykana ee Cadaaladda Guryaha (United States Fair Housing
office), waa inaad taa ku sameysid sannad gudihii laga bilaabo maalinta
u mulkiilaha gurigu falka sharci-darada ah ku kacay.
HUD waxay mulkiilaha guriga ogeysiin doontaa dacwadaada weydiin
doontaana inu soo bixiyo jawaab qoran. HUD waxay baadhi doontaa arrinta
si go’aan looga gaadho haddii "ay jiraan sababo caqli-gal ah oo lagu
rumeysan karo" in mulkiilaha gurigu u jabiyay sharcigu. HUD waxay isku
dayi doontaa in mulkiilaha gurigaaga lala galo heshiish dhawraya xuquuqdaada.
HUD waxay qaadi doontaa talaabooyinkan kaligeed ama waxay
dacwadaada u diri doontaa hay’adada dawladda ee MHRC si baadhitaan
loo sameeyo. (Eeg dusha sare si aad u ogaatid habka ay u maamulaan dacwadaha.)
Haddii
aan arrintaada la xalin isla markaana ay HUD aragto "sabab caqli-gal
ah" (eeg dusha sare), waxa arrinta loo gudbin doonaa dhageysi maamul
oo rasmi ah (administrative hearing). Qareen ama looyar dawladda ka socda
ayaa lacag la’aan kuu doodi doona. Waxa kale oo suurogal kuu ah inaad la
timaadid qareen ama looyar aad adigu keensatid. Haddii Xaakinka Sharciga
Maamulku (Administrative Law Judge) u adiga garta ku siiyo, waxa mulkiilaha
guriga aad ku jirtid lagu amri karaa:
- Inu bixiyo khasaarahaaga.
- Inu sameeyo waxyaabo gaar ah si uu khaladka u saxo.
- Inu lacag ganaax ah siiyo dawladda Maraynkanka.
- Inu bixiyo kharashka qareenka.
Haddii labada qolo ee dacwadu ka dhexayso ay doortaan inay
isla tagaan Maxkamadda Federalka (Federal Court), maxkamadda ayaa markaa
dhageysan doontaa dacwadooda. Qareen ka socda dawaladda ayaa kuu doodi kara.
Maxkamaddu waxay qaadi kartaa isla waxkaqabadkii la soo sheegay, iyo kharash
ganaax ah—kaasoo ciqaab u ah falalkii khaladka ahaa ee u mulkiilaha gurigu
galay.
Waxa kale oo aad xaq u leedahay inaad tagtid maxkamadda federalka
adiga oo kharashka iska bixinaya oo aan soo marin talaabooyinkaa la soo
sheegay. Waxa aad maxkamadda weydiisan kartaa in lagu siiyo qareen aanad
lacag ka bixin.
| Ka Waran haddii qof cadaalad-daro ama takooris aan ahayn guri la ii
diido igu sameeyo? |
Sharciga gobolka Maine iyo ka federalku waxa kale oo ay mamcuun
ka dhigeen takooris ama cadaalad-daro ka dhacda waxyaabahan:
- shaqo-siinta
- daynta (siinta daynta)
- goobaha dadweynaha (sida hoteelada, dukaanada, adeegyada bulshada iyo
meelaha dadweynuhu isugu yimaado)
- fursadda waxbarashada
Haddii cadaalad-daro kaa qabsato meelahaa mid ka mid ah, waxa
aad gargaar ka codsan kartaa Guddida Xuquuqda Bini’aadanka ee Maine (Maine
Human Rights Commission). (Eeg qaybta sare "Halkee Baan Gargaar
ka Heli karaa".)
| Ka waran haddii qof kale ii hanjabayo ama i dhibayo?
|
Waa sharci-daro in qof kale ku dhibo iyadoo sababtu tahay
jinsi, midab, diin, asal wadan, isir, naafo, lab iyo dhedig, ama nooc galmo.
Wixii gargaar ah, kala xidhiidh boliiska degmadaada ama Qaybta
Xuquuqda Madaniga ah (Civil Rights Division) ee Xeer-ilaaliyaha Guud
ee Maine (Maine Attorney General):
6 State House Station
Augusta, Maine 04333
Teleefon: (207) 626-8800
(ka dib dooro # 4)
(Maqal-laawaha) TTY: (207) 626-8865
Haddii aanad Ingiriisiga ku hadlin, soo wac Gargaarka Sharciga
ee Pine Tree Legal Assistance oo leh lambarka 774-8211. Sug salaanta af
Soomaaliga ah. Salaanta ka dib, waxa lagaa codsan doonaa inaad riixdid lambarka
#4 ee teleefonkaaga. Ka dibna raac tilmaanta ku saabsan sidii aad fariin
uga tagi lahayd. Annaga oo wadana turjubaan ayaa dib ku soo wici doona.