Soo wac Gargaarka Sharciga ‘Pine Tree Legal Assistance’
Waa gargaar xagga sharciga ah oo loogu talogalay dadka dhaqaalaha yar ee
dagan gobolka Maine.
Hay’ada ‘Pine Tree Legal’ waxay bixisaa gargaar xagga sharciga ah oo
bilaash ah oo la siiyo dadka dhaqaalaha yar ee ku nool gobolka Maine.
Iyadoo sababtu tahay shaqaalayaga oo yar, ma caawin karno qof kasta oo noo
baahan. Dhibaatooyinka sharciga ee ay dhici karto in annu dadka ka caawino waxa
ka mid ah:
- Guryaha
- Dhibaatooyinka cashuurta
- Budhcadnimada guriga ka dhacda
- Helitaanka daryeelka caafimaadka
- Dhibaatooyinka iskuulka
- Furitaanka iyo xuquuqda waalidka
- Barnaamijyada dawladda sida TANF, ASPIRE, SSI, Raashinka ‘Food
Stamps,’ ama MaineCare.
Wixii kale ee ah dhibaatooyin sharci, fadlan nala soo xirir si ad ogaatid
haddii annu ku caawin karno. Dadka kama aan caawin karno dhibaatooyinka xeerka
ciqaabta ama xeerka taraafigga.
Haddii ad tahay dhibane lagula kacay budhcadnimo guriga dhexdiisa ka dhacday,
ama haddii ay ku haysato dhibaato ah cashuurta dakhliga, waxa dhici karta in
annu awoodi karno in annu ku caawino xiitaa haddii ad leedahay dhaqaale sare.
Wac ama tag xafiiska Pine Tree ee kuugu dhow. Haddii aanad Ingiriisiga ku
hadlin, isla markiiba weydiiso turjubaan. Waxa annu ku siin doonaa turjubaan
lacag la’aan ah.
Si ad tilifoon nagula soo xirirtid, soo wac 774-8211. Haddii aanad
Ingiriisiga ku hadlin, sug soo-dhaweynta af Soomaaliga ah. Soo-dhaweynta ka dib,
waxa laguu sheegi doonaa inad riixdid butoonka ama lambarka [4] ee ku yaalla
tilifoonkaaga. Ka dibna raac tilmaamaha kuu sheegaya sida fariin loo dhaafo.
Annaga oo turjubaan wadana ayaanu dib kuu soo wici doonaa.
Rugta Internetka